Ra’iisul Wasaaraha oo magacaabay Afhayeenka Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Muqdisho, June 24, 2013-----Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaali

     
OPM B

Ra’iisul Wasaaraha oo magacaabay Afhayeenka Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha

Muqdisho, June 24, 2013-----Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa maanta u magacaabay Afhayeenka Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Ridwaan Xaaji Cabdiweli oo ah waaya arag dhanka warbaahinta ah.

Dikreetada magacaabista oo warbaahinta loo qeybiyay ayaa ku taariikheysan June 23, 2013, waxayna u qorneyd sidan hoos ku qoran.

Ujeeddo: Magacaabis Xil

Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya

Markuu arkay: Qod. 99-aad Xarfihiisa (A, D, iyo E) iyo Qod. 100-aad ee Dastuurka JFS

Markuu arkay: Baahida loo qabo in la xoojiyo lana horumariyo xiriirka warbaahineed ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Markuu Akhriyey: Taariikh-nololeedka, waayo-aragnimada shaqo iyo aqoonta
la xiriirta warbaahinta uu leeyahay aqoon-yahanka hoos ku xusan

Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya wuxuu xeeriyay

Qod.1-aad

Magacaabis

Waxaa loo magacaabay Mudane Ridwaan Xaaji Cabdiweli Afhayeenka Xafiiska Ra'iisul
Wasaaraha.


->Qod.2aad<-


->Dhaqan gelid<-

Xeerkani waxa uu dhaqangalayaa marka uu saxiixo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya, waxaana lagu soo saarayaa Faafinta Rasmiga ah ee dawladda.

Mudane Cabdi Faarax Shirdoon
Ra’iisul Wasaaraha
Xukuumada Federaalka Soomaaliya

twitter
1px